heestii Daallo Aragtideeda waxaa qaaday Cabdalla yuusuf Hanuuniye

Durduriyo xareediyo
doogiyo ugbaad
dalalnimada cadarkiyo
dhibic iyo daruuree

ubax darayaya muusoo
waaberi dilaacay
halka maanku darari
daalo aragtideedaay

dayax iyo xidigahoo
nuurka isku dara iyo
dusha roo la dhaca iyo
daa'uus la moodyeey


diirimaadka laabtiyo
daawadii nafteeydaay
taan hablaha ka doortee
darenkeyga siiyay
xubna dabacsanleeyey

nabi yuusuf dabadii
tii dumarkaba quruxda leh
hal doorkooda noqotaay


Damabar iyo labeen iyo
dahab miidabkii leeyehee
xuuralcaynta dunidee
daawashada u timidee
dalka lagu maneystaay

haduu diido calafkeedu
aqal laba daryaaloo
aan cariira ku daahiyo
inaad dadab wadaagno
waqtigu iina kala diro


allah deeqda bixiyee
anna kuuma dudayee
naxariis da weyniyo
duco ducaan kugu sogootiyey

ninka damacu raace
dooqu calanka saartee
guuraadka doontee
kugu gacan danbeeyana
aan dardaaran siiyee

waa liibn dadnimadii
amina kan doortoo
deji meel barwaaqaa
diihaalka gaajiyo
dibin ddabyo yey arag

Daranyadu ma ficnee
yey ka noqon maryuhu duug
ha u yaalo dahabkuna
deris aan habooneyn
yey dareemin qayladii

dibada iyo gudahabaa
beelaha la daawado
ee dalxiiska loo tago
ha il diigsatee gee

dusha nabar ha taabsiin
ha dagaalin waa gobe
hadal doqon ma garataa ah
ha ku dayin ma yeeshee


waxaa dihaatay hooyadeed
dadnimada ku beertoo
abaheedna waa diric
ragna doorkii weeyoo
waa duriyad xalaale
waalidkeedna daaadihi

haa waxaa jira nin dooroo
dantu ceeb u yeeshee
waxa amina u dan ah
hadii waayo diidan

soo doonoo
waa gare waa garee
anaa kuu diiyaaroo
daryeelkeeda uu yahay
xil aan guudka saartee

hadii taa diidee
duulka nolosha amina
dayac noqotana waa qaan
waan kula dacweyaa


halkan waaxaan ka daawan ama dhageysan kartaa heestii Daallo Aragtideeda waxaa qaaday  Cabdalla yuusuf Hanuuniye
https://www.youtube.com/watch?v=YExqEPhWepo

Comments

  1. Saaxiib blog gaaga ma dhisna ee hadii aad u baahan tahay blog heer sare ah ila soo xidhiidh waan kula saairaynaa

    ReplyDelete



  2. this is very useful informative posting !
    thank you for your sharing this good informations !

    goldenslot
    สูตรบาคาร่า
    gclub casino

    ReplyDelete
  3. Qoraal ka wax badan aya ka khaldan edite ku sameee and recorrect

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

INDHO CAASHAQA OO QORAAL AH

AFKA LAGAMA SHEEGTO ADOON JACEYL ARAG/ KHADRA DAAHIR