INDHO CAASHAQA OO QORAAL AH

Laba aynigood iska eegta yoo
Iska aamina Amaan mudanee
Indho caashaqo isku ooyayoo
is ilaashadaa Amaan mudanee
Axdigeey dhigteen u adkaytayoo
aroos galaa Amaan mudanee. 

Lamaane in doora jaceelka adkeeyay
Kalsooni abuura Amaan mudanee
Aheey nasibku intuu u ekaaday
Aroos galaa Amaan mudanee
Ubaxa curdinoo is caashaqay baa
Alaylahee Amaan mudanee. 

Gayaan is doortaaa Ehel ku taamaa
Arooskoodaa Aqal la seesaa
Dhigo asfan iyo kabad la uuntaa
Ubax udgoonana lagu daadiyaa
allay lahe amaan waad istaahisheen.

Eebow oh, oh, oh.
Eebow oh, oh, oh.
Eebowubad kheer leh sii
Eebow u adeega sii
Eebow adeeca sii
Eebow adaa maligee 
Eebow arsaaq na sii

Eebow ubad kheer leh sii
Eebow u adeega sii
Eebow inan iyo gabdhbaa
Eebow adeeca sii
Eebow adaa maligee
Eebow arsaaq na sii

Umalka iyo dookha ilwaadka jaceelka
Udgoon ku beerma amaan mudanee
Labo ka ilaalshay naceebka irdhiiyay
Dhaqan ku aroorsha amaan mudanee
Afka hooyo hidaha asalkaa
Awlaada tusaa amaan mudanee.

 Laba arimada imtixaanka jaceel
U adkaystay baa amaan mudanee
Abaabul-ka  guuka nolo istareex leh
Labay ubadkooda ku abaabusha oo
Islaanimo baray amaan mudanee

Umalka iyo dookha ilwaadka jaceelka
Udgoon ku beerma amaan mudanee
Labo ka ilaalshay nacabka irdiiyay
Afka hooyo hidaha asalkaa
Awlaada tusaa amaan mudanee

 Bal eega eega eega
Ubaxan bal eega
Bal eega eega eega
Arkoo ila eega
Bal eega eega eega
Anbaqaadka jaceel
Bal eega eega eega

U adkeestay eega
Bal eega eega eega
Caaway u ahaatee
Bal eega eega eega
Haloo tuma ee


Eebow eebow ubad khayr leh sii
Eebow eebow arsaaq waasac sii. 

Aaaaaa eeboooow.
                                                                                     
                                         KU LUUQEEYAY CAWAALE AADAN







Comments

  1. How To Make a Coin Casino Deposit - Casinowed.com
    How to Make a Coin Casino Deposit · Select 인카지노 the 바카라 사이트 number of payouts that your withdrawal is; · Make a minimum deposit 바카라 of $10

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

heestii Daallo Aragtideeda waxaa qaaday Cabdalla yuusuf Hanuuniye

AFKA LAGAMA SHEEGTO ADOON JACEYL ARAG/ KHADRA DAAHIR