heestii Daallo Aragtideeda waxaa qaaday Cabdalla yuusuf Hanuuniye
Durduriyo xareediyo doogiyo ugbaad dalalnimada cadarkiyo dhibic iyo daruuree ubax darayaya muusoo waaberi dilaacay halka maanku darari daalo aragtideedaay dayax iyo xidigahoo nuurka isku dara iyo dusha roo la dhaca iyo daa'uus la moodyeey diirimaadka laabtiyo daawadii nafteeydaay taan hablaha ka doortee darenkeyga siiyay xubna dabacsanleeyey nabi yuusuf dabadii tii dumarkaba quruxda leh hal doorkooda noqotaay Damabar iyo labeen iyo dahab miidabkii leeyehee xuuralcaynta dunidee daawashada u timidee dalka lagu maneystaay haduu diido calafkeedu aqal laba daryaaloo aan cariira ku daahiyo inaad dadab wadaagno waqtigu iina kala diro allah deeqda bixiyee anna kuuma dudayee naxariis da weyniyo duco ducaan kugu sogootiyey ninka damacu raace dooqu calanka saartee guuraadka doontee kugu gacan danbeeyana aan dardaaran siiyee waa liibn dadnimadii amina kan doort...