Posts
Showing posts from 2015
INDHO CAASHAQA OO QORAAL AH
- Get link
- X
- Other Apps
Laba aynigood iska eegta yoo Iska aamina Amaan mudanee Indho caashaqo isku ooyayoo is ilaashadaa Amaan mudanee Axdigeey dhigteen u adkaytayoo aroos galaa Amaan mudanee. Lamaane in doora jaceelka adkeeyay Kalsooni abuura Amaan mudanee Aheey nasibku intuu u ekaaday Aroos galaa Amaan mudanee Ubaxa curdinoo is caashaqay baa Alaylahee Amaan mudanee. Gayaan is doortaaa Ehel ku taamaa Arooskoodaa Aqal la seesaa Dhigo asfan iyo kabad la uuntaa Ubax udgoonana lagu daadiyaa allay lahe amaan waad istaahisheen. Eebow oh, oh, oh. Eebow oh, oh, oh. Eebowubad kheer leh sii Eebow u adeega sii Eebow adeeca sii Eebow adaa maligee Eebow arsaaq na sii Eebow ubad kheer leh sii Eebow u adeega sii Eebow inan iyo gabdhbaa Eebow adeeca sii Eebow adaa maligee Eebow arsaaq na sii Umalka iyo dookha ilwaadka jaceelka Udgoon ku beerma amaan mudanee Labo ka ilaalshay naceebka irdhiiyay Dhaqan ku aroorsha amaan mudanee Afka hooyo hidaha asalkaa Awlaada tusaa am...
AFKA LAGAMA SHEEGTO ADOON JACEYL ARAG/ KHADRA DAAHIR
- Get link
- X
- Other Apps
Afka lagama sheegtoo adigoon jacayl arag looma uur xumaadee Aniguu i helayoo intuu soo abraaruu xadhig igu adkeeyee soowtan aramadiisii oofaha dhexdoodiyo adhaxduu i gooyee Kii igu abuureen u ilmeynayoow ha igu eegine ii imoow. Anfacadii ka go ayoo eedaadka caashaqa u adkeeysan waayee intuu igu itaalsadey iimana tudhaayoo anfariir ka qaade sow tan alhumadiisii igu sii fideeysee aan ka jiifsan waayee. Kii igu abuureen u ilmeynayoow ha igu eegine ii imoow. https://www.youtube.com/watch?v=FF7fajffLWQ